Sabti 8 Aug 2026 {HMC}Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Joe Biden ayaa xaaladdiisa Caafimaad laga dayninayaa kaddib markii uu jirkiisa ku faafay cudurka Kansarka oo sanado kahor ku dhacay isaga oo gaaray lakabka 4aad sida uu sheegay Wiilkiista Hunter Biden oo waraysi bixiyay.
Joe Biden oo ah 84 jir ayaa xannuunka haya ee kansarka dartiis uga haray tartankii doorashada Dalka Maraykanka ee dhacday sannadkii 2024, waxaana lagu hayaa goob gaar ah si uu u helo darteelka uu u baahan yahay sida hadalka loo dhigay.
“Kansarku runtii waa xannuun darran oo aad u adag, waan ka murugaysanahay aabahayn oo jirkiisa ku faafay kansarkaas ku dhacay oo hadda gaaray heerka lakabka afaraad” Sidaasi waxaa yiri, Hunter Biden oo ah wiilka uu dhacay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Joe Biden.
Dhaqaatiirta Caafimaadka ee Madaxweyne hore Joe Biden ayaa shegay in ay wadaan dedaalkooda kahortagga in uu cudurka sii gaaro qaybaha kale ee Jirkiisa inkasta oo wiilkiisa uu ka dareeriyay xaaladdiisa.

