Wasiiru Dowlaha Arrimah Dibadda Soomaaliya ayaa dhaliil ujeediyey mucaaradka.

Axad 10 May 2026 {HMC} Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Cumar (Cali Balcad) ayaa mucaaradka ku dhaliilay in ay diidan yihiin Doorasho Dadweyne kana doorbidayaan in ay carqalad ku sameeyaan.

Cali Balcad ayaa sheegay in aanay marnaba Dowladdu aqbali doonnin in ‘Afduub siyaasadeed lagu sameeyo Doorashada’ isaga oo intaas ku daray in ujeedkoodu yahay cabsi ay ka muujinayaan sanduuqa codbixinta waa sida uu hadalka u dhigay.

“Soomaaliya looma afduubi karo kuwa ka baqaya sanduuqa codbixinta, waddada lagu socda ma aha jahwareer, cadaadis, ama afduub siyaasadeed, ee waddada saxda ah waa doorashooyin toos ah” Sidaasi waxaa yiri Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS, Cali Cumar Balcad.

Waxa uu ku biirayaa Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka falceliyay dibadbaxa mucaaradka uu ku dhawaaqay balse ugu dambayn socon waayay maadaama xubnaha Mucaaradku ay ku doodeen in caqabado la hordhigay sida ay hadalka u dhigeen.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo maalgelinta Xuutiyiinta.

Jimco, 4, Sep 2026 {HMC}  Yemen ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga gobolka ee lagu carqaladeynayo shabakadaha sahayda iyo maalgelinta ee lala xiriirinayo Xuutiyiinta,...