Wasiir Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

isniin  21 Sep 2026 {HMC}  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM, S/Gaas Sabahattin Kalkan.

Wafdiga waxaa ka mid ahaa Captain Dr. Haldun S. Çetinarslan, U-qaybsanaha Arrimaha Ciidamada iyo Ciidanka Badda Turkiga, oo soo gabagabeynaya muddadii shaqadiisa Soomaaliya, iyo Kornayl Dr. Mehmet Serhan Yıldız, U-qaybsanaha cusub ee Arrimaha Ciidanka Cirka Turkiga. SomaliCommunity Information

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa bogaadiyey doorka Dugsiga TURKSOM ee tababarka iyo kor u qaadista xirfadaha ciidamada Soomaaliyeed, isagoo uga mahadceliyey Dowladda Turkiga garab-istaaggeeda joogtada ah ee dadaallada Soomaaliya ee dib-u-dhiska ciidanka iyo xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

WAR DEG DEG AH: Shariif Sheekh oo Maxkamadda Sare u Gudbiyay Dacwad ka dhan ah Wax-ka-beddelka Dastuurka.

Sabti 17 Oct 2026 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Maxkamadda Sare ee dalka u gudbiyay dacwad ka dhan ah wax...