Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed iyo ICRC oo u diyaar-garoobaya ka jawaabidda fatahaadaha El Niño

Isniin 5 Oct 2026 {HMC} Iyadoo la isku diyaarinayo xaaladaha El Niño ee la filayo in ay sababaan fatahaado ka dhaca webiyada Jubba iyo Shabeelle ee Soomaaliya, ayaa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) wuxuu diyaarinayaa 72 ka qeyb-galeyaal ah, oo ay ku jiraan 60 mutadawiciin deegaanka ah.

Iyada oo uu taageerayo Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC), tababarka tooska ah wuxuu xaqiijinayaa in ay ka qeyb-galeyaashu helaan xirfadaha aasaasiga ah ee loo baahanyahay marka laga jawaabayo xaaladaha deg-degga ah ee fatahaadaha.

Sanadkii 2023, oo ay xaalado kuwan la mid ah dalka ka dhaceen, kooxaha doomaha ee SRCS waxay door muhiim ah ka cayaareen dadaallada badbaadinta ee goobaha ay fatahaaduhu ka dhacaan.

Tababarrada waxaa lagu qabanayaa goobaha ay badanaa fatahaaduhu ka dhacaan, oo ay ku jiraan Baardheere, Jowhar, Beledweyne iyo Kismaayo.

Isagoo isugu jiray aragti gudbin iyo hawl tooos ah, ayaa diyaargarowgani wuxuu hubin doonaa in ay kooxuhu diyaar u noqdaan in ay jawaab wax ku ool ah ka bixiyaan haddii ay fatahaado dhacaan.

Hoos waxaa ku yaala sawirro la qaaday intii uu tababarku Jowhar ka socday.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Ciidanka Danab oo burburriyay saldhigyo AS ay ku lahaayeen Shabeellaha hoose.

Isniin 5 Oktoobar, 2026 {HMC} Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad, ayaa xalay ilaa saacadihii hore...