UK oo sheegtay taageerada Amniga Soomaaliya Kadib Kulan ka dhacay Muqdisho

Dowladda Ingiriiska ayaa markale muujisay taageeradeeda ku aaddan amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, kadib kulan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Safiirka UK ee Soomaaliya, Charles King, ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UNSOS, Qurat ul-Ain Sadozai

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray taageerada ay UNSOS siiso howlgalka AUSSOM iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay isla qaateen muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee lagu xoojinayo amniga dalka.

Dowladda UK ayaa UNSOS uga mahadcelisay doorka muhiimka ah ee ay ku leedahay taageerada howlaha amniga iyo xasilinta Soomaaliya, waxayna caddeysay inay sii wadeyso wada shaqeynta ay la leedahay bahwadaagta caalamiga ah si Soomaaliya u gaarto nabad iyo amni waara.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Erdogan oo sheegay in heshiiska difaaca ee Maka uusan ku wajahneyn Iiraan ama Israa’iil.

Jimco, 25 Seb 2026 {HMC} Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka ee u dhexeeya Turkiga, Bakistaan iyo...