Suudaan oo itoobiya iyo Imaaraadka ku Eedeysay in ay ku lugleeyihiin weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Dowlada Suudaan ayaa ku eedeysay Imaaraadka iyo Itoobiya iney si buuxda ugu lug leeyihiin weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo shalay duhurkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee magalada Khartoum.

Suudaan waxay sheegtay iney hayso cadaymo muujinaya in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Imaaraadku ay kasoo kaceen garoonka magalada Bahardar ee caasimada gobolka Amxaarada, kadibna ay beegsadeen garoonka diyaaradaha ee caasimada Suudaan ee Khartoum.

Dowlada Suudaan waxay ku dhawaaqday iney jawaab milatari ka bixin doonto weerarkaas isla markaana ay xaq buuxa u leedahay iney difaacdo madax banaanida Dalkeeda.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Erdogan oo sheegay in heshiiska difaaca ee Maka uusan ku wajahneyn Iiraan ama Israa’iil.

Jimco, 25 Seb 2026 {HMC} Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka ee u dhexeeya Turkiga, Bakistaan iyo...