Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay arrimaha socdaalka

Talaado, July 28 2026 {HMC} Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay fududeynta socdaalka labada dal, xilli warar soo baxaya ay sheegayaan in Madax ka tirsan Soomaaliya laga soo celiyay dalkaasi.

Wada hadal ay magaalada Adis Ababa ku yeesheen Wasiirada Arrimaha Dibadda labada dal ayaa isku afgartay in la ballaariyo furitaanka Qunsuliyado laga hirgalinayo magaalooyinka waa weyn ee Kenya iyo Somaaliya.

“Labada wasiir ayaa ka wada hadlay horumarradii ugu dambeeyay ee la xiriira arrimaha socdaalka, iyagoo ku heshiiyay in la xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda arrimaha qunsuliyadaha iyo fududeynta isu socodka shacabka labada dal” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale, labada dhinac waxay dib ay sheegeen sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, gaar ahaan arrimaha muhiimka u ah xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...