RW Xamsa oo sheegay in aysan Puntland joogin xilli ay ka sheekayso colaad gudaheeda ah.

 Talaado/4/Augsto 2026 {HMC}Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in aysan Puntland joogin xilli ay ka sheekayso colaad gudaheeda ah iyo mid Soomaali dhexdeeda ah. MogadishuLocal News

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xalay hadal ka jeediyay magaalada Laascaanood ayaa tilmaamay in ay Puntland ka qaangaartay arrintaas, islamarkaana ay dib-u-dhac tahay in dhexdeeda looga sheekeeyo colaad sokeeye.

Hadalka Ra’iisul Wasaare Xamse waxaa dadka qaarkii uu fasirteen in uu ula jeedo xiisadda Gaalkacyo ee u dhexaysa Puntland iyo ciidamada PSF oo hadda ka tirsan dowladda federaalka.

Wuxuu ugu baaqay reer Puntland in ay iska ilaaliyaan labo cadow oo mid uu ku tilmaamay argagixisadda, halka kan kalana uusan magacaabin balse ku sheegay cadow diidan hurumarka dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa shacabka iyo dowladda Puntland ugu hambalyeeyay sanad-guurada 28-aad ee ka soo wareegtay asaaskii maamulka ee 1998.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa magaalada Laascaanood kaga qaybgalay munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay asaaskii maamulka Waqooyi Bari.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda Soomaaliya oo ku guul-darraysatay dhaqan-gelinta Dastuurka cusub.

Talaado 8 Sep 2026 {HMC} Dowladda Fedwraalka Soomaaliya ayaa ku guul-darraysatay dhaqan-gelinta Dastuurka cusub ee keliga ku tahay, iyada oo ay maanta ku ekayd...