RW hore Xasan Cali Kheyre oo Cambaareeyay Howlgalkii Caawa Ciidamada Dowlada ka sameeyeen Deyniile.

Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka uu taliska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud caawa ku soo qaaday shacabka ku nool waaxda Kordamac ee degmada Deyniile.

Waxaan Alle uga baryayaa in uu u naxariisto dadkii ay caawa ciidanka dowladdu ku dileen Deyniile, una boogadhayo shacabkii ay ku dhaawaceen.

Waxaa ayaandarro iyo musiibo qaran ah in dowadda Madaxweyne Xasan Sheekh ay weerarayso shacabka, si ay uga barakiciso guryahooda, ciidankii qarankana u adeegsanayso dhulboobka, barakicinta iyo gumaadka shacabka.

Taliska arxanka daran ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku jira maalmihiisii ugu dambeeyay wuxuu uu ku mashquulsan yahay xaalufinta dalka iyo boobka hantida qaranka.

Waxaan ciidanka qaranka uga digayaa in ay ka sii qeybqaataan boobka dhulka shacabka, gumaadka dadweynaha, barakicinta dadka danyarta ah, iyo fulinta damaca gurracan ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo maalgelinta Xuutiyiinta.

Jimco, 4, Sep 2026 {HMC}  Yemen ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga gobolka ee lagu carqaladeynayo shabakadaha sahayda iyo maalgelinta ee lala xiriirinayo Xuutiyiinta,...