Puntland oo sii daysay ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo ay ku qabteen Gaalkacyo

isniin  21 Sep 2026 {HMC}  Maamulka Puntland ayaa dhigeeda Galmudug ku wareejisay ciidamo iyo gaadiidkii ay saaka ku qabatay magaalada Gaalkacyo, kaddib wada-hadallo dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan labada Maamulka.

Puntland iyo Galmudug, ayaa ka wada hadlay xaaladda amniga gobolka Mudug iyo gaadiidkii ay Puntland gacanta ku dhigtay, waxaana waa hadalkaas ka soo baxay is-afgarad suurto galiyay in ciidamada lagu wareejiyo Galmudug.

Galmudug waxay caddaysay in ciidamadan ay ahayeen dhalinyaro loo qoray inay ku biiraan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in ay ku wajahnayeen xero ciidan oo ku taala gobolka Galgaduud, balse uu dhacay in si ogaal la’aan ah ay ugu gudbeen dhinaca Waqooyiga Gaalkacyo.

Maxamuud Guure Guuleed Wasiir ku xigeenka caddaaladda Galmudug, ayaa sheegay in ciidamadan ay u badnaayeen dhalinyaro laga qoray deegaannada Galmudug, kuwaas oo lagu diyaariyay gudaha maamulka, loona waday Xananbuure.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

WAR DEG DEG AH: Shariif Sheekh oo Maxkamadda Sare u Gudbiyay Dacwad ka dhan ah Wax-ka-beddelka Dastuurka.

Sabti 17 Oct 2026 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Maxkamadda Sare ee dalka u gudbiyay dacwad ka dhan ah wax...