Muwadiniin Soomaaliyeed oo ay gacanta kudhigeen Ciidanka Poland.

Sabti 30 May. 2026 {HMC} Ciidamada ilaalada xadka ee dalka Polandayaa ku dhowaaqay inay gacanta ku dhigeen afar muwaadin oo u dhashay dalka Soomaaliya, kuwaas oo si sharci-darro ah uga soo gudbay xadka dalka Lithuania.

Sida ay sheegeen saraakiisha amniga, afartan dhalinyarada ah ayaa markii hore si dhuumaaleysi ah kaga soo galay dalka Lithuania dhinaca xadka dalka Belarus, ka hor inta aysan isku dayin inay u gudbaan gudaha dalka Poland si ay u gaaraan waddamada kale ee Galbeedka Yurub, gaar ahaan Jarmalka.

 

Dhalinyaradan Soomaalida ah ayaa la sheegay in lagu qabtay meel u dhow xadka gobolka Podlasie, iyagoo aan wadan wax dukumiinti ah oo aqoonsi ah ama ogolaansho joogitaan oo sharci ah.

 

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamadu ay ka shakiyeen gaari ay la socdeen, kaas oo ay kaxaynayeen dad loo malaynayo inay ku lug leeyihiin tahriibinta aadanaha.

Dowladda Poland ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoojisay amniga xuduudaheeda ay la leedahay dalalka Lithuania iyo Belarus, iyadoo ka jawaubaysa kororka dadka muhaajiriinta ah ee ka imaanaya dhinaca Belarus.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...