Maxkamad Jarmal ah oo diidday codsi lagu hakin lahaa masaafurinta haweeney Soomaali ah.

Jimco 9 Oct 2026 {HMC} Maxkamad ku taalla magaalada Mainz ee dalka Jarmalka ayaa diidday codsi degdeg ah oo ay haweeney Soomaali ah oo 38 jir ah ku doonaysay in lagu hakiyo go’aanka loogu masaafurinayo dalkeeda hooyo, kaddib markii lagala noqday aqoonsigii qaxootinimo ee ay haysatay, isla markaana uu dhacay sharcigii degenaanshaheeda.

Haweeneydan ayaa hore muran uga dhalisay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, kaddib markii ay baahisay muuqaallo ay ku jirtay baaqyo rabshado loogu geysanayo xubno ka tirsan beel ay isku hayaan Soomaaliya. Bishii Sebtembar ee sannadkan, ayaa lagu helay dambi la xiriira hurinta nacaybka, waxaana lagu xukumay ganaax lacageed oo dhan 5,400 oo Yuuro.

Maxkamadda maamulka ee Mainz ayaa sheegtay inaanay jirin caqabad sharci ah oo hor istaagaysa fulinta go’aanka masaafurinta haweeneyda, maadaama sharcigii degenaanshaheedu uu dhacay bishii Luulyo, iyada oo aan codsan in loo kordhiyo.

Garsoorayaashu waxay sidoo kale sheegeen inaan la keenin caddeymo ku filan oo muujinaya in haweeneydu ay Soomaaliya kala kulmi karto dil sharci ah ama jirdil haddii dib loogu celiyo dalka. Maxkamaddu waxay tilmaantay in sheegashooyinkeeda ku saabsan khatarahaas ay ahaayeen kuwo guud, isla markaana aan lagu taageerin caddeymo la taaban karo.

Xafiiska Federaalka ee Socdaalka iyo Qaxootiga Jarmalka (BAMF) ayaa bishii May ee sannadkan kala noqday haweeneyda aqoonsigii qaxootinimo, kaddib markii la ogaaday inay dhowr jeer u safartay Soomaaliya, isla markaana ay safarradeeda ku diiwaangelisay muuqaallo ay TikTok ku baahisay.

Tallaabadaas ayaa sababtay inay lumiso ilaalintii ay ku lahayd Jarmalka iyadoo qaxooti ah. Markii uu sidoo kale dhacay sharcigii degenaanshaheeda bishii Luulyo, waxaa loo gogol xaaray tallaabooyinka masaafurinta.

Inkasta oo maxkamaddu ay diidday codsiga lagu joojinayay masaafurinta, haddana waxay qayb ahaan aqbashay cabashadeeda la xiriirtay mamnuucidda gelitaanka iyo degenaanshaha Jarmalka muddo shan sano ah.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Danjiraha Dalka Ciraaq oo Booqasho shaqo ku tagay Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya.

Jimco 9 Oct 2026 {HMC}  Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Kenya, Mudane Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magalaada Nairobi...