Isniin 27 July 2026 {HMC}Â Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (Somali Future Council) ayaa warqad furan u diray madaxda dalalka ciidamada iyo booliiska ku leh howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, isagoo ugu baaqay in sii wadista taageerada amni ee Soomaaliya lagu xiro in marka hore la gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay. Somalitranslation services
Warqadda oo ku taariikhaysan 27-ka Luulyo 2026 ayaa loo diray madaxda Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Burundi iyo Masar, xilli dhammaadka bishan magaalada Kampala lagu qabanayo shir looga hadlayo mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo amniga Soomaaliya.
Golaha ayaa warqaddiisa ku sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo halis ah, isagoo ku doodaya in muddo-xileedka Madaxweynaha uu dhammaaday 15-kii May 2026, halka muddo-xileedka Baarlamaankuna uu dhammaaday 14-kii Abriil 2026, islamarkaana aan weli la gaarin heshiis siyaasadeed oo hagaya kala-guurka dalka.
Sidoo kale, warqaddu waxay sheegtay in kala qaybsanaanta siyaasadeed ay wiiqday wadajirka qaranka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, iyadoo lagu eedeeyay dowladda federaalka inay khilaafaadka siyaasadeed ka hormarisay dagaalka argagixisada.

