Maxaa ka soo baxay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca ee Dalalka Ciidamada ku Taageera AUSSOM.

Qamiis/7/ August  2026 {HMC}Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta soo xiray Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca ee Dalalka Ciidamada ku Taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM). PoliticalNews Analysis

Shirka ayaa diiradda lagu saaray qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda amniga guud ee dalka, qorshaha bixitaanka ciidamada ka tirsan Hawlgalka AUSSOM, dib u xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin Khawaarijta, iyo sidii loo dardargelin lahaa dhismaha, tayeynta iyo casriyeynta Ciidanka Xoogga Dalka.

Shirka waxaa ka qayb galay qaar ka mid ah Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca, Taliye Ku-xigeennada Ciidamada, saaxiibbada beesha caalamka iyo khubaro sare oo militari, kuwaas oo is-weydaarsaday aragtiyo iyo talooyin la xiriira xoojinta iskaashiga amniga iyo taageerada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, shirka ayaa laga soo saaray qodobo lagu xoojinayo amniga kuwaas oo dhaqangelintoodu ay door weyn ka qaadan doonaan xasilloonida iyo amniga dalka iyo guud ahaan gobolka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...