Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM

Axad 26 Julay 2026 {HMC}Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyada oo dhammaan diiradda lagu saarayo sidii loo heli lahaa dhaqaalaha uu jartay Maraykanka iyo qorshe cusub.

Sida ay Mustaqbal Media u xaqiijiyeen ilo kala duwan, kulamadaan oo billowday billowgii Bishaan marba meel ayay soo gaareen, waxaana lagu wadaa in shirweyne heerkiisu sarreeyo uu caasimadda Uganda ee Kampala ka qabsoomo 31ka isla bishaan.

Madaxa ugu sarreeya ee AUSSOM ayaa Muqdisho ku qaabilay mas’uuliyiin ka kala socota Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maraykanka, Dalalka taageera howlgalkaan iyo Ururro kale oo uu u bandhigay xaaladda iyo caqabadaha ku horgudbay howlgalkooda.

Soomaaliya oo sanadihii u dambeeyay ka gudubtay tijaabooyin ay martay sida in ay ciidankeeda howlgali karaan iyaga oo aanay la socon kuwa Midowga Afrika, in ay la wareegi karaan mas’uuliyadda Amniga Xeryaha iyo ilaalinta Madaxda waxa ay markale qaadaysaa tallaabooyin qarsoon oo sababo dhinaca Amniga loo qariyay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 26kii June waxa uu sheegay in Dowladdu ay diyaarisay guluf ka dhan ah ‘AS’ oo dadka loo soo bandhigi doonno marka howshiisa farsamo ay soo idlaato.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Madaxweynaha Soomaaliya, oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug, ayaa safar dhulka ah ku gaaray degmada Cadaado.

Cadaado, Agoosto, 16, 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye...