Madaxweyne Xasan Shiikh iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta safar shaqo ku gaaray, dalka Itoobiya.

Axad 28, June 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku gaaray, magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee dalka Itoobiya ayaa daaran xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo mudnaanta la siinayo arrimaha amniga, xasilloonida gobolka iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa kulan la yeelan doona Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Ahmed, iyagoo ka wada hadli-doona xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda iyo mucaaradka Soomaaliya oo la filayo in ay heshiis ka gaaraan arimaha khilaafaadka.

Sabti, 5, Sept 2026 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan mucaaradka ayaa maalmaha soo socda saxiixi kara heshiis lagu dhisayo Guddiga Hawlgalka Kala-guurka...