Arbaco 18 Nov 2026 {HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Marwo Charlotte Pierre, oo ah Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta UK (FCDO).
Kulanka ayaa looga wada hadlay xaaladda amniga Soomaaliya iyo qorshaha kala-guurka amniga, u diyaargarowga saameynta El Niño iyo xoojinta hay’adaha dowladda.
Soomaaliya ayaa sheegtay inay qiimeyneyso Boqortooyada Midowday ee UK oo ay ku tilmaantay saaxiib muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo, kana taageera horumarinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka dalka.

