Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay munaasabadda furitaanka sannad-tacliimeedka 2026/2027.

Axad 12 Sep 2026 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda furitaanka sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka, taasi oo ka dhacday xarunta dhexe ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in horumarka Soomaaliya uu si weyn ugu xiran yahay tayeynta waxbarashada, kobcinta aqoonta iyo maalgelinta dhallinyarada, isaga oo xusay in jaamacaduhu ay door muhiim ah ku leeyihiin diyaarinta jiil aqoon iyo xirfad u leh hoggaaminta dalka iyo ka qayb qaadashada horumarkiisa.

Madaxweynaha ayaa intii ay socotay munaasibaddu waxa uu daah-furay Hindisaha ABUUR, oo lagu kobcinayo hal-abuurka, curinta iyo xirfadaha ganacsi ee ardayda Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale xarigga ka jaray dhismayaasha cusub ee Kulliyadaha Jaamacadda, xarunta guddiga caafimaadka arrimaha Carabta iyo xarunta gurmadka degdegga ah iyo daryeelka xaaladaha halista ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhagax-dhigay dhismeyaasha guriga martida Jaamacadda Ummadda iyo dhismaha Hal-abuurka iyo cilmi baarista, kuwaasi oo ka qayb qaadanaya dadaallada lagu tayeynayo waxbarashada sare, tababarrada caafimaadka iyo cilmi-baarista dalka.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Iiraan oo ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib Duulaan Culus uu ku qaaday Sacuudiga.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Dowladda Iiraan ayaa ka walaacsan Xaalada Dalka Yemen kadib markii Dowladda Sacuudiga ay Duulaan xoogan ku qaaday Kooxda Xuutiyiinta...