Madaxweynaha Soomaaliya oo Dalka dib ugu soo Laabtay Xilli mucaaradka ay abaabulayaan Bannaanbax

Axad 10 May 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kaddib markii Jamhuuriyadda Jabuuti uu uga qaybgalay Caleemosaarkii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Dib usoo laabashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo beegantay iyada oo Magaalada Muqdisho uu ka socdo abaabulka Mucaaradkiisa ee la xiriira qabashada dibadbaxa loo ballamiyay in uu ka qabsoomo Garoonka Cayaaraha ee Injineer Yariisow (Koonis).

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa sare loo qaaday kaddib markii Mucaaradka uu ku dhawaaqay dibadbax ka qabsoomo Magaalada Muqdisho halka Dowladda Federaalka ay u iclaamisay in uu ka dhaco Garoonka Koonis.

Dhinaca kale, maanta waxa ay ku beegan tahay waqtigii Madaxweyne Xasan Sheekh uu shaaciyay in uu gogol u dhigay Mucaaradka gaar ahaan Golaha Mustaqbalka oo qudhiisa soo dhaweeyay balse aan la ogayn in uu kulankaan qabsoomayo & in uu golahaas ka qaybgalayo.

Muqdisho waxaa ka socda kulamo siyaasadeed oo is diidan inkasta oo ay u socdaan si xasiloon, xubnaha Mucaaradka oo aan laga hor istaagin dibadbaxooda ayaa lagu wadaa in qabsado kana dhaco isusoobaxooda goobta Dowladda Federaalka u ogolaatay.

La soco wixii kasoo kordha

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Yemen oo Jabuuti kala hadashay xoojinta dadaallada lagu joojinayo maalgelinta Xuutiyiinta.

Jimco, 4, Sep 2026 {HMC}  Yemen ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga gobolka ee lagu carqaladeynayo shabakadaha sahayda iyo maalgelinta ee lala xiriirinayo Xuutiyiinta,...