Duulimaadyada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magalaada muqdisho oo wax hakada aana galin

Thursday, June 4, 2026 (HMC) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay ay caadi u socdaan howlaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, xilli saacadihii la soo dhaafay rasaas laga maqlay gudaha Caasimadda Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo farriin loo diray dadka doonaya in ay safraan.

 

 

“Qofwalba oo Safar u qorsheeysnaa Waa uu bixi karaa waana iman karaa, Duulimaad Gudaha ah iyo mid Caalami ah oo la baajiyay majiro, waana sidii hore” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka.

Bayaanka oo sii socda ayaa lagu beeniyay wararka la isla dhexmaraayo baraha bulshada ee la xiriira in ay istaageen Duulimaadyada Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Dowladda iyo mucaaradka Soomaaliya oo la filayo in ay heshiis ka gaaraan arimaha khilaafaadka.

Sabti, 5, Sept 2026 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan mucaaradka ayaa maalmaha soo socda saxiixi kara heshiis lagu dhisayo Guddiga Hawlgalka Kala-guurka...