Israa’iil oo ugu dambeyn ku guuleysatay in xilka laga qaado Xeer Ilaaliyihii Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah.

Sabti 26 Julay 2026 {HMC} Israa’iil ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay in xilka laga qaado Xeer Ilaaliyihii Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC), Karim Khan , ka dib markii lagu soo oogay eedeymo la xiriira faraxumeyn galmo.

Dalalka xubnaha ka ah Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee ku taalla Hague ayaa shalay cod aqlabiyad leh ugu codeeyay xil ka qaadista Xeer Ilaaliyaha Guud Karim Khan.

Karim Khan ayaa ahaa qofkii go’aamiyay in la soo saaro amarro lagu soo xirayo Netanyahu iyo Wasiirkii hore ee Difaaca Israa’iil, Yoav Gallant, sababo la xiriira eedeymo ku saabsan dambiyo dagaal oo ka dhacay Qasa.

82 dal ayaa u codeeyay xil ka qaadista Karim Khan.
13 dal ayaa ka hor yimid.
15 dal ayaa ka aamusay codbixinta.

Sida uu sheegay mas’uul sare oo Israa’iili ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Gideon Sa’ar iyo safaaradaha Israa’iil ee dalalka kala duwan ayaa maalmahan waday olole ay ku doonayaan inay ku helaan taageerada dalal badan si ay ugu codeeyaan xil ka qaadista Khan ama ugu yaraan ay uga fogaadaan inay taageeraan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...