Ilaalada Kacaanka Iran oo sheegatay inay weerartay Maraakiib oo laga leeyahay maraykanka

Arbaco, 9, Sep 2026 {HMC}Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegtay in ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanku ay weerareen “laba markab oo Maraykan ah iyo siddeed markab oo ah nooca qaada shidaalka”, iyagoo sheegay inay waxyeello weyn gaarsiiyeen.

Sheegashadan ayaa timid kadib weerarkii Maraykanka uu ku qaaday shan Maraakiib nooca Shidaalka ah oo Iran leedahay.

Bayaanka Ilaalada Kacaanka oo la soo saaray subaxnimadii Arbacada, 8-da Sebtembar, ayaa sidoo kale lagu sheegay in “10 markab oo xadgudub sameeyay” la weeraray.

Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in maraakiibtaasi ay isku dayayeen inay maraan waxa ay ku tilmaantay “aagga mamnuuca ah ee aan ammaan ahayn” ee marin-biyoodka Hormuz.

Wararkan weli si madax-bannaan looma xaqiijin.

Dhanka kale, CENTCOM ayaa bayaan ay soo saartay saqdii dhexe ee Talaadada ku sheegtay in bartilmaameedsiga shanta maraakiib nooca shidaalka oo Iran leedahay ah taasi oo jawaab u ahaa weerar Iran ay ku qaaday maraakiibta dagaalka ee Maraykanka.

CENTCOM waxay sheegtay in maraakiibta Maraykanka aan waxyeello loo geysan, ayna sii wadeen hawlgalladooda.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Mareykanka oo duqeeyay maraakiibta shidaalka ee leedahay Iran

Arbaco, 9, Sep 2026 {HMC}Ciidamada Maraykanka ayaa weeraray shan markab oo nooca qaada shidaalka oo Iran leedahay, iyaga oo sheegay in tallaabadan ay jawaab...