Hay’adaha Federaalka Maraykanka oo Baaris ku Haya Ilhaan Cumar iyo Qoyskeeda.

Arbaco 14 Octobar 2026 {HMC}  Sida ay werisay warbaahinta The New York times, haay’ddaha baaritaanada ee Federaalka Maraykanka ayaa sii xoojiyey baaristta iyo daba galka lagu hayo xildhibaannada ka tirsan Golaha wakiilada dalka Marayanka ee Ilhaan Cumar. Qaar ka mid ah qoyska Ilhaan ee Maraykanka ku nool ayaa loo diray amarro baaris la xidhiidha sida loo ogaado xogta la baadi goobayo.

Dadka farrimaha baarista ah helay waxa ka mid ah gabadha Ilhaan la dhalatay ee Sahra Nuur iyo qof kale oo qoyskeeda ah sida warbixinta lagu sheegay.

Haayadaha Federaalka ayaa baaris xilliga dhalashda ee ay sheegatay Ilhaan Cumar iyo sida ay ku heshay dhalashda Maraykanka. Tuhunadan ayaa la xidhiidha in xildhibaan Ilhaan aabbeheed Nuur Cumar Maxamed uu been ka sheegay xogta magan gelyo doonka ka hor intii aanu iman Maraykanka sida Warbaahinta Maraykanku qortay.

Tallaabooyinkan ayaa daba socda baaristii Isniintii la soo dhaafay lagu sameeyey guriga xildhibaannada kaas oo ay tageen ciidan ka socda dhinaca Federaalka oo ogolaansho ka haystay wasaaradda caddaaladda ee dalka Maraykanka.

Xildhibaanad Ilhaan Cumar ayaa arrimahan la daba gurayo ku eedaysay madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump kaas oo ay sheegtay in uuu been ku waday 10-kii sano ee la soo dhaafay sid ay hadalkeeda u dhigtay.

Ilhaan waxa ay sheegtay in Trump xilli hore uu jacayl u qaaday gabadh Soomaaliyeed oo Iimaan lagu magacaabo taasina ay keentay nacayb uu Soomaalida u qaaday.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Ka Hadlay Doorashooyinka iyo Wadahadallada Siyaasadeed.

Khamiis 15 Oct 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo ka hadlay doorashooyinka heer federaal iyo wadahadallada siyaasadeed Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...