DFS oo markii ugu horreysay ka hadashay qoraal ka dhan ah Midnimada dalka oo uu Deni u diray Qaramada Midoob

Talaado 29 Sep 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka hadashay qoraal ka dhan ah Midnimada dalka oo uu Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Deni u diray Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in aan marna la aqbali doonin in la kala gooyo bulshada Soomaaliyeed, isagoo ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Saciid Cabdullaahi Deni oo warqad u diray Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku sheegay in Puntland ay wajahayo cadaadis kaga imanaya shacabka, kuwaas oo doonaya in ay si buuxda uga go’aan nidaamka Federaalka Soomaaliya.

“Maamulka Puntland waxay wajahaysaa cadaadis kaga imanaya shacabka oo doonaya madax-bannaani buuxda ay kaga go’aan Federaalka,” ayuu yiri Saciid Cabdullaahi Deni.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa isaguna sheegay in aan la aqbali doonin kala goynta shacabka Soomaaliyeed, isagoo Saciid Deni u sheegay in hadalka noocaas ah uusan ku habboonayn.

“Saciidow, kuuma habbooneyn in aad ku qeyliso kala goynta shacabka Soomaaliyeed, taasi waa mid ku xusnaan doonta sooyaalkaaga,” ayuu yiri Xamse Cabdi Barre.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa khilaaf kala dhaxeeya Dowladda Federaalka, kaasi oo soo maray marxalado kala duwan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Sucuudiga oo casuumaad u fidisay Madaxweyne ku-xigeenka Imaaraadka Carabta,

Isniin 28 Sep 2026 {HMC}  Dowladda Sucuudiga oo casuumaad u fidisay Madaxweyne ku-xigeenka Imaaraadka Carabta, Sh.Mansuur Al-Nahyaan, iyada oo boqortooyadu garab u raadinayso dagaalka...