Talaado, 1,September 2026 {HMC} Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ballaaran ka bixiyay qorshaha bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta ee AUSSOM iyo isbeddelka ku imaanaya xiriirka Soomaaliya iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.Pirate prevention services
Lataliyaha ayaa caddeeyay in bixitaanka ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa AUSSOM uusan ahayn mid ku yimid duruufaha maanta ka taagan dunida oo kaliya, sida dhaqaale yarida iyo dagaallada caalamka, balse uu yahay qorshe istiraatiiji ah oo salka ku haya qiimeyn dhab ah oo laga sameeyay xaaladda dalka
Ka madax-bannaanida barnaamijyada gaarka ah Xuseen Sheekh Cali waxa uu xusay in tan iyo bishii September ee sannadkii 2022, ay dowladda Soomaaliya kulamo iyo qiimeyn la samaysay madaxda iyo hay’adaha Qaramada Midoobay
“Waxaan rabnaa in Soomaaliya ay ula macaamisho Qaramada Midoobay sida ay dunida kale ula macaamilto, oo aysan noqon meel loo soo diro wakiillo gaar ah ama barnaamijyo gaar ah oo loogu talagalay dalal daciif ah,” ayuu yiri Lataliyaha Amniga Qaranka
La-wareegidda mas’uuliyadda qaranka Lataliyaha ayaa tilmaamay in hay’adda UNTIMIS ay dalka ka wadey hawlo muhiim ah oo ay ugu horreeyaan arrimaha siyaasadda, sarreynta sharciga iyo cadaaladda
Waxa uu caddeeyay in qiimeyntii wadajirka ahayd ee la sameeyay ay soo bandhigtay in Soomaaliya ay si taxadar leh ula wareegi karto dhammaan hawlahaas marka la gaaro bisha Oktoobar ee sannadka 2026.

