Dakada Magalada Muqdisho ayaa lagu qabtay dawooyin maandooriye ahaan loo adeegsado oo lagubay.

Talaado, Juun 30, 2026 {HMC} Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta gubay dawooyin horay loogu qabtay Dekedda Muqdisho isla markaana la horgeeyay Maxkamad kuwaas oo loo adeegsado maandooriye ahaan.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska oo Warbaahinta kula hadlay goobtii lagu gubay daawooyinkaas ayaa sheegay in lacag dhan $20 oo doollar ay ku kacday daawooyinkaan oo loo adeegsanayay si baxsan caafimaadka.

Waxa uu tilmaamay in tallaabada ay qaadeen ay tahay mid looga hortagayo halista ku wajahdnayd Bulshada Soomaaliyeed maadaama dadka isticmaalla Dawooyinkaas ay dhibaatooyin xooggan gaystaan.

Dawooyinka la gubay waxaa kamid ah Kaniiniyaasha loo kala yaqaan Pregabalin oo sidoo kale loo garanayo Bilibil & Tramadol oo ah dawooyin loo isticmaalo xanuunnada xad-dhaafka balse sida qaldan ay u adeegsadaan dadka doonaya in ay jirkooda daroogeeyaan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Madaxweynaha Jabuuti oo ka digay faragelin shisheeye oo dalkiisa lagu sameeyo.

Isniin 6, Sep 2026 {HMC}  Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee dalkiisa, isagoo sheegay...