Dagaal Culus oo ka dhacay Baydhabo.

Sabti 30 May. 2026 {HMC} Ciidamo la sheegay in ay ka amar-qaataan Madaxweynihii laga saaray Magaalada Baydhabo, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa saakay weeraray Saldhig Ciidanka Federaalka iyo kuwa Badbaadada Koofur Galbeed ay ku leeyihiin Duleedka Magaaladaas.

Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal u sheegay in dagaalka xooggiisa uu ka dhacay dhinaca Suuqa Xoolaha iyada oo ay xaqiijiyeen ilo kala duwan in labada dhinac ay halkaas ku dagaalamayeen ku dhawaad saacad inkasta oo dagaalku joogsaday.

Saraakiil katirsan Maamulka Kumeel-gaarka ah ee Koofur Galbeed ayaa inoo sheegay in ay gacanta ku dhigeen ciidamo dhaawac ah iyo Gaari nooca cabdi bilaha loo yaqaan oo ku xiran yahay qoriga Suugga loo yaqaan ee labada dhuun leh.

Kulan degdeg ah oo looga arrinsanayo xaaladda kasoo cusboonaatay Magaalada Baydhabo waxa uu haatan u socdaa saraakiisha ciidamada ammaanka, waxaana si hordhac ah loo sheegay in marka hore la xoojiyo goobaha duullaanka Ciidankaas wajihi kara.

Maamulka Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa dhawaan sheegay in uu la dagaalami doonno ciidamada ka amar qaata Cabdicasiis Laftagareen ee dhowrka jeer weeraray saldhigyada ciidamada ammaanka.

La soco wixii kasoo kordha

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...