Dagaal Beeleed ayaaka Socda Duleedka Baydhabo

Sabti 6 June 2026 {HMC} Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in maalintii labaad uu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo isku haya dhul daaqsiin ah.

Dagaalka ayaa ka dhacay tuulada Weelgaduud oo ay deggan yihiin xoolo dhaqato, waxaana la sheegay in xiisadda ay salka ku hayso muran la xiriira lahaanshaha iyo isticmaalka dhulka daaqsinka.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh. Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku geeriyootay halka hal ruux oo kale uu dhaawac soo gaaray.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xaaladdu weli kacsan tahay, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalku sii fido haddii aan la helin waan-waan iyo dhex-dhexaadin degdeg ah.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Koofur Galbeed kaasi oo ku aadan in ay kala dhex galaan dagaal beeleed ka socda duleedka Baydhabo.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenka Wadankooda.

Agoosto, 16, 2026 {HMC} Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney...