Ciidanka Nigeria oo duqeyn ku dilay 100 qof suuq ku yaalla gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed dalkaas.

Arbaco 13 May 2026 {HMC} Ugu yaraan 100 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay geysteen ciidamada militariga Nigeria, taasoo ka dhacday suuq aad u camiran oo ku yaalla waqooyi-galbeed gobolka Zamfara, sida ay sheegtay hay’adda Amnesty International maalintii Talaadada, iyadoo ugu baaqday dowladda inay si degdeg ah u furto baaritaan.

Duqeyntan oo ku dhacday suuqa fog ee Tumfa ee degmada Zurmi maalintii Axadda, ayaa noqotay tii labaad muddo bil gudaheed ah oo dad badan lagu laayo suuq mashquul badan oo ku yaalla waqooyiga Nigeria.

Amnesty ayaa sheegtay in tobanaan qof oo dhaawac ah lagu daweynayo isbitaallada Zurmi iyo deegaanka u dhow ee Shinkafi, iyadoo intaas ku dartay in dadka la dilay ay ku jireen haween iyo gabdho badan.

Militariga Nigeria si degdeg ah ugama aysan jawaabin codsiyo faallo looga dalbaday, balse horey ayay u beeniyeen inay beegsadaan shacabka, iyagoo sheegay in duqeymaha cirka lagu saleeyo xog sirdoon oo kaliya lagu bartilmaameedsado kooxaha hubeysan.

Iyadoo soo xiganeysa markhaatiyaal, Amnesty waxay sheegtay in diyaaradaha militariga lagu arkay iyagoo dul heehaabaya deegaanka duhurnimadii, kadibna ay dib ugu soo laabteen laba saacadood kaddib islamarkaana ay garaaceen suuqa oo ay dad badan ku sugnaayeen.

Bishii April, ku dhawaad 200 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay duqeyn la mid ah oo ka dhacday suuq toddobaadle ah oo ku yaalla deegaanka Jilli ee waqooyi-bari Nigeria. Militariga ayaa baaritaan ku bilaabay dhacdadaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay sii kordheyso walaaca ay ka qabaan dhimashada shacabka ee ka dhalaneysa weerarrada iyo duqeymaha militariga ee gobollada waqooyi.

Militariga Nigeria ayaa muddo dheer la dagaallamayay kooxaha burcadda hubeysan ee waqooyi-galbeed iyo kacdoonka Islaamiyiinta ee waqooyi-bari oo socday muddo 17 sano ah.

Mareykanka ayaa sanadkii hore maalintii Christmas-ka duqeeyay waxa uu sheegay inay ahaayeen saldhigyo Islaamiyiin ah oo ku yaalla waqooyi-galbeed Nigeria, kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu ku eedeeyay Nigeria inay ku fashilantay ilaalinta dadka Kiristaanka ah.

“Qaabkan xadgudubyada xuquuqda aadanaha wuxuu sii noqonayaa wax caadi ah, iyadoo dadka tuulooyinka ay dhibaatada ugu weyn kala kulmayaan kooxaha hubeysan, burcadda iyo militarigaba,” ayay tiri Amnesty.

Waxay ku tilmaantay duqeymaha cirka kuwo sharci darro ah oo muujinaya inaan wax tixgelin ah loo haynin nolosha shacabka rayidka ah.

Xigasho: Reuters

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Somali Airlines oo Bilaabeyso duulimaadkeeda ugu horreeya Bisha soo socoto.

Axad 16 Aug 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameyn doonto bisha...