Ciidamada Nabad Sugidda NISA ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Talaado 11 Aog 2026 {HMC} Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), oo kaashanaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay inta u dhexeysa deegaannada Kabtan Laas iyo Janaale, gaar ahaan tuulada Kibili ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa lagu fashiliyey qorshe ay Khawaarijtu ku doonayeen inay waxyeello ugu geystaan shacabka ku nool deegaannadaasi.

Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa dilay laba dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, halka laba kale oo ka mid ah maleeshiyaadkaasi nolol lagu qabtay.

Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay sideed miino iyo bastoolad, kuwaas oo la sheegay in Khawaarijtu u adeegsan lahaayeen falal amni-darro iyo waxyeello loo geysto shacabka.

Meydadka labada dhagarqabe iyo hubka iyo miinooyinka laga furtay Khawaarijta ayaa lagu soo bandhigay magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Madaxweynaha Jabuuti oo ka digay faragelin shisheeye oo dalkiisa lagu sameeyo.

Isniin 6, Sep 2026 {HMC}  Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee dalkiisa, isagoo sheegay...