Ciidamada Kumaandooska DANAB oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan Sh/ hoose.

Isniin June 8, 2026 {HMC} Ciidamada Kumaandooska DANAB ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 161-aad, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaannada Toor-Toorow, Mareerta iyo Dugul-Galool ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan oo ujeeddadiisu ahayd xaqiijinta amniga iyo xoojinta nabadgelyada deegaannadaasi, ayaa ciidamada waxay ka sameeyeen baaritaanno iyo howlgallo lagu baadi-goobayay maleeshiyaadka Khawaarijta goobihii bartilmaameedka ahaa.

Intii uu socday howlgalka, Ciidamada DANAB waxay xoojiyeen amniga shacabka iyo dhaqdhaqaaqyada lagu sugayo xasilloonida, iyadoo howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta laguna xaqiijinayo amniga guud ee dalka.

Taliska Kumaandooska DANAB ayaa shacabka ku bogaadiyay kaalintooda ku aaddan la shaqeynta ciidamada amniga, si loo sii adkeeyo nabadda, wada-shaqeynta iyo xasilloonida dalka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay wafdi sare oo ka socday Ciidanka Cirka Dowladda Pakistan.

Axad 20 Sep 2026 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku...