Muqdisho – Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay burburiyey goob lagu caweeyo oo lagu magacaabo Coffee Shisha, taas oo ku taalla xaafadda Siigaale ee degmada Hodan, magaalada Muqdisho.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka, ciidamada ayaa gudaha u galay goobta, iyagoo burburiyey agabkii yaallay, oo ay ka mid ahaayeen kuraas, miisas, dhalooyinka shiishada iyo qalab kale oo halkaasi lagu isticmaali jiray.
Wararka ayaa intaas ku daraya in milkiilaha goobta, oo lagu magacaabo Liban Mohamed Osman, uu goobta ka baxsaday, isla markaana ciidamada dowladda ay haatan ku raad-joogaan.
Sababta loo beegsaday goobta ayaa la sheegay inay la xiriirto isticmaalka shiishada iyo khamriga, iyo sidoo kale isu imaatinka dhalinyaro isugu jira wiilal iyo gabdho oo halkaasi ku qaadan jiray waqtiyada habeenkii.
Dhanka kale, xaaska milkiilaha goobta, Raaqiya, oo la hadashay warbaahinta, ayaa sheegtay in burburinta iyo xiritaanka goobtu ay saameyn weyn ku yeesheen qoyskeeda, maadaama ninkeeda uu ahaa qofka keliya ee mas’uulka ka ahaa masruufka qoyskeeda iyo carruurteeda.
Dhanka kale, waxaa la filayaa in milkiilaha goobta tallaabo sharci ah laga qaado haddii ciidamada ammaanku gacanta ku dhigaan, iyadoo wararka la helayo ay sheegayaan in la doonayo in maxkamad la horgeeyo.
Ilaa hadda dowlada ayaa baadigoob ugu jirto in milkilihii meesha in lasoo qabto sharcigana la horkeeno maxkamadana lagufuliyo

