Talaado 24 Nov 2026 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo dhaweeyay aqbalaadda Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ee casuumaadda uu ku imaanayo magaalada Muqdisho.
Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay wada-hadal loo dhan yahay oo dhab ah, kaas oo ku saleysan Dastuurka dalka iyo go’aanka Maxkamadda Sare ee ka dhanka ah muddo-kordhinta uu sheegay inay tahay mid aan dastuurka waafaqsanayn.


