Talaado 24 Nov 2026 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha Qaran ee Dib-u-habaynta iyo Horumarinta Ciidanka Asluubta iyo Nidaamka Xabsiyada Dalka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Shirweynahan oo uu furay Ra’iisulwasaaraha Kuxigeenka Dalka Mudane Saalax Jaamac ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, hay’adaha bahda cadaaladda, hoggaanka Ciidanka Asluubta, culimo, ganacsato iyo ururada bulshada Rayidka shirkan ayaa looga hadlay jihada mudnaanta leh ee dib-u-habaynta nidaamka asluubta iyo xabsiyada dalka.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Mudane Mubaarik Maxamed Axmed ayaa furitaanka shirweynaha ku soo bandhigay saddexda tiir oo ku aaddan qorshaha dib-u-habaynta: u-qareemidda maxaabiista qaameysan, dib-u-habaynta shuruucda xabsiyada iyo asluubta, iyo horumarinta kaabayaasha xabsiyada iyo tayeynta Ciidanka Asluubta.
Madaxda iyo Mas’uuliyiinta ka hadlay shirka ayaa isla meeldhigay muhiimadda dardargelinta dib-u-habaynta, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha ay khuseyso iyo dhismaha xabsiyada dalka si loo dhowro xuquuqda aadanaha, mudnaantana la siiyo dhaqan-celintooda.
Wasiirka oo soo xiray Shirka ayaa kalmaddiisa xiritaanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta qorshayaasha dib-u-habaynta iyo horumarinta Ciidanka Asluubta, isagoo xusay baahida loo qabo nidaam asluub oo hufan, casri ah, kuna dhisan cadaalad, bini’aadannimo iyo dhowrista karaamada aadanaha.
Shirweynahan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo Taliska Ciidanka Asluubta ay ugu jiraan xoojinta nidaamka cadaaladda, dib-u-habaynta xabsiyada iyo horumarinta adeegyada asluubta ee dalka.

