Howlgalka Danab ee Leego oo Lagu Dilay 21 Xubnood oo Al-Shabaab ah.

jimo 20 Nov 2026 {HMC} Ciidanka Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay dhanka koonfureed ee deegaanka Leego gobolka Baay kaas oo lagu beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta.

Howlgalkan oo ay Ciidanka Danab ka fuliyeen iyagoo kaashanaya saaxiibada dowladda Mareykanka oo aaggaas ka fuliyay dhowr duqeyn oo dhinaca cirka ah ayaa lagu dilay 21 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Sidookale howlgalka ayaa lagu burburiyay fariisimihii iyo godadkii ay kooxda Khawaarijtu ka qotay goobta kuwaas oo ay u adeegsan jireen gabbaad iyo difaac.

Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa sii wadi doona howlgallada lagu xaqiijinayo amniga laguna wiiqaaya kooxda Khawaarijta.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Markabka Turkiga ee Oruc Reis oo gaaray Dalka Pakistan si uu u bilaabo sahamin.

jimo 20 Nov 2026 {HMC} Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Dalka Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in iskaashiga tamarta ee Turkiga iyo Pakistan...