Qodobada ugu muhiimsan ee ka soo baxay Shirka Amniga Soomaaliya Iyo Xaaladda Kala guurka,

Khamiis 19 Nov 2026 {HMC} Kala-guurka amniga Soomaaliya: Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay arag tideeda iyo qorshayaasheeda ku aaddan mas’uuliyadda amniga dalka iyo qaabka loo wajahayo kala-guurka amniga.

Mustaqbalka AUSSOM: Waxaa laga hadlay diyaar-garowga cusboonaysiinta howlgalka AUSSOM ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay bisha December 2026.

Isku-duwidda taageerada caalamiga ah: Dalalka iyo hay’adaha taageera Soomaaliya ayaa ka wada hadlay sidii loo mideyn lahaa dadaallada iyo taageerada amniga dalka.

Wadatashiyada siyaasadeed iyo farsamo: Waxaa la isku raacay in la sii wado wadatashiyada si loo gaaro is-afgarad ku saabsan qorshaha amniga Soomaaliya.

Heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay: Waxaa la xusay muhiimadda xal siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo saldhig u noqon kara nidaam amni oo waara.

Amniga oo ay Soomaalidu hoggaaminayso: Midowga Yurub ayaa xaqiijiyay taageerada uu u hayo qorshe kala-guur amni oo ay Soomaaliya leedahay, isla markaana ay Soomaalidu hoggaaminayso.

Muhiimadda kulanka: Wuxuu ahaa madal ay Soomaaliya kula wadaagtay saaxiibada caalamiga ah qorshaha mustaqbalka amniga dalka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

WAR DEG DEG AH: Soomaaliya oo Imaaraadka Ka Reebtay Dalalka Quintet-ka ee Taageera Amniga Soomaaliya.

Khamiis 19 Nov 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Imaaraadka Carabta banaanka ka dhigtay wadamada loo yaqaano 'Quintet' ee taageera amniga Soomaaliya, Shirka ka...