Arbaco 18 Nov 2026 {HMC} Dowladda Ciraaq ayaa dib u bilowday dhoofinta shidaalka ee dhuunta Kirkuk–Ceyhan, oo isku xirta waqooyiga Ciraaq iyo dekedda Ceyhan ee Turkiga, kaddib markii ay xirneyd muddo 12 sano ah.
Dhuuntan ayaa la xiray sanadkii 2014, kaddib weerarro soo noqnoqday oo ay kooxda Daacish ku qaadday kaabayaasha shidaalka.
Wasiirka Shidaalka Ciraaq ayaa sheegay in lagu bilaabay dhoofinta 120,000 oo foosto maalintii, iyadoo qorshuhu yahay in si tartiib ah loo gaarsiiyo 500,000 oo foosto. Dhuuntan ayaa qaadi karta ilaa 750,000 oo foosto maalintii sida ku cad heshiiska labada dal.
Dib u furista ayaa kusoo beegmeysa iyadoo dagaalka Iiraan uu carqaladeeyay maraakiibta shidaalka ee isticmaala Marinka Hormuz, taasoo Ciraaq ku qasabtay inay raadiso waddooyin kale oo ay shidaalkeeda ku dhoofiso.
Ciraaq iyo Turkiga ayaa bishii August kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu sii wadayo dhoofinta shidaalka, iyadoo labada dowladood ay ka wada hadlayaan heshiis muddo dheer shaqeynaya.
Tallaabadan ayaa Ciraaq siinaysa waddo kale oo ay shidaalkeeda ku gaarsiiso suuqyada caalamka, iyadoo yareyn karta ku tiirsanaanta marinnada badda ee uu saameeyay dagaalka Iiraan.

