Isniin 16 Nov 2026 {HMC} Duqeymo xooggan oo dhanka cirka ah ayaa saaxiibada caalamka ka fuliyeen agagaarka deegaanka Leego iyagoo garab iyo taageero siinaya ciidamada geesiyaasha ah ee Kumaandooska Danab kuwaas oo halkaas ka wada howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta.
Toddobaadkan oo keliya saaxiibada caalamka ayaa fuliyey shan duqeyn oo xooggan oo xiriir ah kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday fariisimaha iyo goobaha ay Khawaarijtu ku lahaayeen agagaarka Leego.
Duqeymahan ayaa burbur xooggan u geystay xarumihii iyo agabkii ay maleeshiyaadku u adeegsan jireen dhaq-dhaqaaqyadooda iyo abaabulka weerarrada.
Goobaha la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah.
1. Fariisimo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen abaabulka iyo dhaq-dhaqaaqyada maleeshiyaadkooda.
2. Keydo hub iyo saanad ciidan.
3. Goobo lagu kaydin jiray walxaha qarxa iyo agabka loo adeegsado diyaarinta miinooyinka dhulka lagu aaso (IEDs).
4. Miinooyin iyo walxaha qarxa oo dhulka lagu aasay.
Burburinta goobahan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu wiiqayo awoodda iyo saanadda Khawaarijta lagagana hortagayo in agabkaasi loo adeegsado weerarro ka dhan ah shacabka rayidka.
Duqeymahan wax khasaare ah kama soo gaarin dadka rayidka ah sida lagu sheegay xogta howlgalka.
Ciidamada Kumaandooska Danab oo garab iyo taageero ka helaya saaxiibadooda caalamka gaar ahaan dowladda Mareykanka ayaa sii wadi doona howlgallada lagu wiiqayo awoodda Khawaarijta laguna xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada dalka.
WARKAN WAXAA LAGU BAAHIYAY BARAHA BULSHADA DANAB

