Arbaco 11 Nov 2026 {HMC} Safaaradda Dowladda Hindiya ay kuleedahay wadanka Kenya, sidoo kalana qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa bayaan rasmi ah oo ay soo saartay ku sheegtay in 13-ka bisha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho & agagaarkeeda ku dhaqan inay siin doonto fursad ay ku xareysan karaan FIISAHA (VISA) caafimaad ee wadanka Hindiya oo ay u aadi jireen Kenya iyo Itoobiya.
Dhammaan shuruudaha, habraacyada & faah-faahinada dheeriga ah ee ku xeran xareynta codsiga FIISAHA waxaad ka daalacan kartaan warqada aan halkan idinkula wadaagay.


