Mamdani oo Soo Dhaweeyay Guusha Taariikhiga ah ee Cabdul El-Sayed, Muslimkii Ugu Horreeyay ee Senate-ka Mareykanka..

Khamiis 5 Nov 2026 {HMC} Duqa magaalada New York, Zohran Mamdani, ayaa soo dhaweeyay guusha Cabdul El-Sayed uu ka gaaray doorashada Senate-ka ee gobolka Michigan, isagoo sheegay in guushaasi ay macno weyn u leedahay dad badan oo Mareykan ah.

Hadalka Mamdani ayaa yimid kaddib doorashadii Talaadada, oo Dimuqraadigu dib ula wareegeen aqlabiyadda labada aqal ee Congress-ka.

Mamdani ayaa sheegay in natiijada doorashadu muujisay in shacabka Mareykanku ka daaleen siyaasiyiin u sheega in baahiyahooda aan la dabooli karin, isagoo ku eedeeyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta inay u adeegaan danaha dadka ugu hantida badan dalka.

Wuxuu ugu baaqay Dimuqraadiga inay guusha doorashada u beddelaan waxqabad dhab ah oo shacabka ka dareemaan nolol maalmeedkooda, gaar ahaan qiimaha nolosha iyo dhaqaalaha qoysaska.

Mamdani ayaa sidoo kale sheegay in El-Sayed uu intii uu ololaha ku jiray la kulmay weerarro la xiriira diintiisa iyo asal ahaan halka uu kasoo jeedo. Guusha El-Sayed ayaa taariikhi ah, maadaama uu noqonayo Muslimkii ugu horreeyay ee loo doorto Senate-ka Mareykanka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

FBI-da Mareykanka ayaa shaacisey kiis basaasnimo oo la xiriira Itoobiya.

Khamiis 5 Nov 2026 {HMC} Ha'ayada dambi baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa si rasmi ah u shaacisey in Abraham Teklu Lemma oo ah 53...