Khamiis 5 Nov 2026 {HMC} Ha’ayada dambi baarista Mareykanka ee FBI-da ayaa si rasmi ah u shaacisey in Abraham Teklu Lemma oo ah 53 jir u dhashay Dalka Mareykanka balse asal ahaan kasoo jeeda Itoobiya uu qirtey dambi basaasnimo oo la xiriir inuu xogo sira u gudbinayay Itoobiya.
Abraham Teklu Lemma ayaa horey isagoo ah qandaraasle dhinaca tiknoolajiyada IT-ga kaoo shaqeeyay sedex hay’adood oo muhiim u ah Dowlada Mareykan ah, kuwaasoo kala ah Ha’ayada sahanka hawada sare ee qaranka Mareykanka, Wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka iyo Wasaarada Caddaalada Mareykanka.
FBI-da ayaa sheegtay in Abraham Teklu uu si ramsi ah u qirtey dambiga la xiriira inuu ka qaybqaatey shirqool basaasnimo oo ah inuu dowlad shisheeye u gudbinayay xog sir ah oo la xiriira ammniga iyo difaaca qaranka Mareykanka.
Abraham ayaa hada wajahaya xabsi u dhexeeya 10 ilaa 22 sanadood.

