Khamiis 5 Nov 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa Arbacadii sheegay inay jiraan “tuhunno culus” oo la xiriira faragelin shisheeye oo lagu sameeyay doorashadii baarlamaanka Israa’iil ee dhowaan dhacday.
Netanyahu ayaa ku eedeeyay dalal shisheeye inay lacago badan ku bixiyeen sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen natiijada doorashada. Dhanka kale, garabka ugu weyn ee xisbiyada Carabta Israa’iil ayaa eedeymahaas ku tilmaamay “cadaadis siyaasadeed.”

