Xulka Soomaaliya U-17 oo kaalinta labaad ka galay tartanka CECAFA kaddib guuldarro rigoorayaal ah oo ka soo gaartay Uganda.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC} Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa ku dhameystay Kaalinta Labaad ee tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA U-17, kaddib markii ay guuldaro kala kulmeen dhiggooda Uganda oo kaga adkaaday rigooreyaal 6-5 ah.

Ciyaartoyda Ocean Stars ayaa soo bandhigay ciyaar heer sare ah oo ay ka muuqatay xirfad, kalsooni iyo isku-duubni.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Cabduqaadir Cali iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA Cali Cabdi Maxamed ( Cali Shiine ), ayaa da’yarta xulka qaranka ku amaanay sida sharafta iyo geesinimada leh oo ay u difaaceen calankeenna.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Golaha Mustaqbalka oo si adag uga horyimid jadwalka doorashada Federaalka ee guddigu soo saaray.

Isniin 19 Oct 2026 {HMC}  Xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka ayaa si adag uga horyimid jadwalkii doorashada Federaalka ee dhawaan ay soo saareen...