Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku Qaabilay Ganacsato Turki ah.

Khamiis 15 Oct 2026 {HMC}  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay ganacsato Turki ah oo uu hogaaminaayay Süleyman Kozuva, Guddoomiyaha Golaha Maamulka ee Kozuva Group, oo ah koox shirkado waaweyn oo laga leeyahay Turkiga.

Kozuva Group waxay ka shaqaysaa dhinacyada dhismaha, duulista, dharka, waxbarashada, dalxiiska iyo tiknoolajiyadda.

Shirkadaha hoostaga waxaa ka mid ah Favori Airports, KZV Construction, Bross Textile, Yako Textile, Décalé Airport Hotel iyo Aviasoft.

Soomaaliya, Kozuva waxaa si weyn loogu yaqaannaa Favori Airports, oo maamusha Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, iyo Décalé Airport Hotel oo ilaa hada ah hotelka ugu casrisan Caasimadda.

Kooxdu sidoo kale waxay Turkiga ka fulisay mashaariic waaweyn oo ay ka mid tahay Çukurova Regional Airport, oo Favori ay maamusho halka KZV Construction ay ka qayb qaadatay dhismihiisa.

Kulanka Xasan Sheekh iyo Süleyman Kozuva ayaa diiradda lagu saaray xiriirka iyo fursadaha maalgashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo kooxda Kozuva oo ay ugu horayso Dekada Cusub ee Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maalmo ka hor sheegay in Dekada Cusub ee Muqdisho ay iska kaashanayaan Dowladda Soomaaliya, ganacsato Turki iyo Somalia iyadoo loo marayo hanaanka Public-Private Partnership.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

{DAAWO MUQAALKA} Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Ka Hadlay Doorashooyinka iyo Wadahadallada Siyaasadeed.

Khamiis 15 Oct 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo ka hadlay doorashooyinka heer federaal iyo wadahadallada siyaasadeed Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...