Arbaco 14 Octobar 2026 {HMC} Talaado 13, October 2026 {HMC} Ciyaaryahankii u horreeyay oo asal Soomaali ah, Maalik Hashi ayaa qayb ka ah liiska kooxda Arsenal ee ciyaarta socota ee Lille,taasoo ka dhigaysa ciyaaryahankii u horreeyay oo asal Soomaali ah oo lagu soo daro liiska kooxda Arsenal ee ciyaaraya horyaalka u sarreeya Yurub ee Champions League.
Maalik oo ah 18 jir ku dhashay London,waxaa iska dhalay hooyo Ingiriis ah iyo Aabbe Soomaali ah , muddo uu ka mid ahaa ciyaartoyda da’da yar ee kooxda Arsenal, wuxuu heshiis rasmi ah u saxiixay Arsenal, bishii February ee sannadkan 2026.
Waa lugta bidix oo ka ciyaara khadka dhexe ee isku xira difaaca iyo weerarka.
Haddii caawa la soo geliyo ciyaarta socota waxay noqonaysa dhacdo muhiim ah oo sare u qaadaysa fursada uu kulamo kale oo kooxda koowaad ee Arsenal uu ka soo muuqan karo, markaa oo taageerrayaasha Arsenal ee Soomaalida ay arki karaan ciyaaryahankii u horreeyay oo asal Soomaali ah oo kooxda koowaad ee Arsenal u ciyaaraya.


