Arbaco 14 Octobar 2026 {HMC} Macluumaadyo Xasaasiya oo aan ka helnay ilo wargal ah ayaan ku ogaanay la dhacay lacag dhan 4-Milyan oo dollar taasoo loo waday Burcad badeed markab shidaal sida ku afduubatay Xeebaha gobolka Mudug hadana ku haya duleydka degmada Hobyo.
Sida aan ogaanay maalinimadii Axada 11-kii Bishan ayaa Muqdisho lacagtan oo kaash ah laga saaray gaari Leylo Calaawi ah waxaana Gelbiyay dhowr Cabdi bile oo Meletery ah oo uu watay Sargaal sare oo ka tirsan Taliska Wardoonka Ciidanka xooga dalka iyadoo xilli habeen ah 12-kii Bisha lageliyay Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Sida aan ogaanay Lacagta ayaa Laga dejiyay Layla Calaawida waxaana la saaray Cabdi Bilaha Si uusan umarin Baaritaan waxaana Lacagta gelinkii hore ee isniinta lagu hayay Magaalada iyadoo lagu wareejiyay laba nin oo ganacsato ah kuwaas oo hayay isku xirka Burcad badeeda,Dowlada iyo ganacsatada Markabka iskaleh .
Gelinkii dambe ee shalay oo isniin ahayd ayaa la sheegay in doon laga gaday xarardheere iyo laba wiil oo aan magacyadooda helnay oo mid askari ahaa loo dhiibay Lacag dhan 3.5Milyan halka Shan boqol oo kun (500,000) ay reebteen ganacsatada dulaaliinta ka ahaa Heshiiska.
Dhalinyarada ayaa la sheegay markii ay magaalada ka baxeen in meel udhexeysa Xarardheere iyo Ceel Huur oo lagu magacaabo Xiindawaco ay doonti kaga degteen iyagoo halkaas ka qaatay gaari ugu sii diyaarsanaa lacagtina ay la goosteen.
Lama xaqiijin karo halka ay ku suganyihiin Balse sida aan xogta ku helnay waxa loo badinayaa inay u galeen Kooxda As waxaana markii cid ugu war dambeysay lagu sheegay aaga Xinlebi.
Waxaa hadda gacanta lagu hayaa qaarkamida ragii Xarardheere lacagta geeyay oo uu kujiro Gaarigii Leylada ahaa iyo darwalkii weday.

