Madaxweyne Xasan oo booqday carwada ganacsiga ee Som Souk Expo halkaasi oo ay ganacsatada Soomaaliyeed ku soo bandhigayaan badeecooyin iyo adeegyo kala duwan.

Arbaco 13-October, 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday carwada ganacsiga ee Som Souk Expo, halkaasi oo ay ganacsatada Soomaaliyeed ku soo bandhigayaan badeecooyin iyo adeegyo kala duwan.

Madaxweynaha ayaa kormeeray goobaha ganacsiga, isaga oo sidoo kale ka dukaameystay carwada, lana kulmay ganacsatada ka qaybgalaysa, kuwaasi oo uu ku dhiirrigaliyay sii wadidda dadaallada ay ku horumarinayaan ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in carwooyinka ganacsigu ay door muhiim ah ka qaataan isu keenidda ganacsatada iyo macaamiisha, suuq-geynta badeecooyinka, dhiirrigelinta hal-abuurka ganacsi iyo ballaarinta fursadaha maalgashi, taas oo ka qayb qaadanaysa kobaca dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin cusub.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dhiirrigelinta ganacsatada, horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo abuurista jawi ku habboon maalgashiga, si ganacsigu u noqdo tiir muhiim u ah koboca dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo isku-filnaanshaha dhaqaale ee dalka.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

WARARKA

Kumaandooska Soomaaliya oo howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanno ka tirsay Gobolka Baay.

Talaado 13-October, 2026 {HMC}  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaannada u dhexeeya magaalada Baydhabo iyo deegaanka...