isniin 21 Sep 2026 {HMC} Maamulka Puntland ayaa sii daayay Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka oo ay muddo saacado ah ku hayeen Waqooyiga Gaalkacyo
Ciidamadan oo wata laba gaadiid ah ah ayaa la filayaa in ay gaaraan deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.
Saraakiisha Ciidanka Puntland ma sheegin sababta rasmi ah ee ay u qabteen Ciidankaasi.
Mar sii horreysay, Taliyaha qaybta Booliska Waqooyiga Mudug ee Puntland ayaa sheegay in ay baarayaan Askartan
Dowlad goboleedka Puntland ayaa hore u sheegay in Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka in aan lagu arki karin deegaannada Maamulkaasi
Balse Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaynasa in ay meelkasta oo dalka ah ay tagi karaan Militeriga dalka si ay u sugaan Amniga Xuduudaha.

