Khamiis 10, Sab 2026 {HMC} Xoghayaha ku-meelgaarka ah ee Ciidamada Badda Mareykanka, Hung Cao, ayaa xaqiijiyay in Iiraan ay si xun u burburisay saldhigga ugu weyn ee ciidanka badda Mareykanka ay ku lahaayeen Bariga Dhexe oo ku yaalay dalka Baxrayn, ka dib markii Iiraan ay joogteysay tan iyo 28 bishii Febraayo 2026, weerarrada ay ku beegsanayso saldhigan, oo hadda noqday mid adeegga ka baxay, taasoo dusha u saaraysa Mareykanka khasaare maaliyadeed oo balaayiin doolar ah iyo mid istaraatiji ah, sida uu baahiyay wargeyska Epoch Times.
Sarkaalkan, waxaa kaloo uu sheegay in hadda la billaabay sidii ciidankii ka howlgalayay saldhigan alaabtii ay uga carareen loogu geyn lahaa. Waxaa kaloo uu xaqiijiyay Ciidanka Badda Mareykanka ee ka howlgalayay Bariga Dhexe inay hadda howlgaladooda ku koobanyihiin maraakiibta dushooda iyo saldhig ku yaal jasiiradda Badweynta Hindiya ku dhex taal ee Diego Garcia.
Waxay u muuqata hadda in la gaaray xilligii uu Mareykanka uu dib uga fakari lahaa ka bixitaanka saldhigyada Bariga Dhexe uu ku lahaa , sabab la xiriirta inay hadda noqdeen kuwa aan amni ahayn oo khasaare istaraatiji ah uu ka wajahay. Mar horaba codod ku baaqaya in saldhigyadaa la xiriira ayaa ka soo baxaya gudaha Mareykanka

