Jimco 4 Sep 2026 {HMC} Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya Mahad Cabdi raxmaan Aadan oo loo yaqaanay Taliye Shub ayaa dhaawac Duqeyn lala beegsaday gurigiisa oo ku yaalay Dagmada Dollow Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen warbaahinta deegaanka iyo Saraakiisha ka ag dhaw.
Sida aan ku heleyno Macluumaad aan ka helnay ilo rasmiya Taliyaha ayaa Barxada guriga sariir utaalay ku fiidsanayay marka ay duqeyntu dhacday taasoo sababtay in uu badbaado Balse firir badan ayaa galay jirkiisa.
Guriga oo ku yaalay Doolow ayaa naloo sheegay in uu dhamaan burburay,waxaana si guud amniga goobta ula wareegay ciidanka Itoobiya.

